Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya waxaa la filayaa in maalinta Berri ah oo ku beegan 8-da Maarso uu ka furmo shir looga hadlayo maalgashiga dalka Soomaaliya.
Shirkaan waxaa soo qaban qaabiyay mashruuca Shuraako, Safaaradda Maraykanka iyo Bankiga aduunka, waxaana ka qeyb gali doona Hay’ado caalami ah, mas’uuliyiin ka socota dowladda Federaalka, Ganacsato iyo dhamaan daneeyayaasha Soomaaliya.
Shirkaan ayaa la qorsheenayaa in uu socdo Laba Maalin, waxaana xooga lagu saari doonaa kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, wanaajinta horumarka iyo sidoo kale fahamsiinta dadka Soomaaliyeed Kheyraadka uu leeyahay dalkooda iyo arimo muhiim u ah dhiira gelinta ganacsatada Soomaalida ah iyo hay’adaha ajnabiga ah ee doonaya in Soomaaliya ay maalgishtaan.
Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay muhiimmadda shirkan uu u leeyahay Soomaaliya.
“Muhiimad weyn ayuu leeyahay, waayo dalka Soomaaliya dhisidiisu dowladda kaliya uma baahna ee waxa uu u baahan yahay dadka Soomaalida, ganacsatada iyo aqoonyahnka, dibad jooga Soomaalida kulli la’isugu tago, nin walba waxa uu taraato sameeyo, la’isku yimaado, fikrado la’isku geysto dalkana dib loo wada dhiso, wey dhamaatay aduunkii la oranaayay dowladda ayaa waxaas sameynaysa, dowladda wax walba ma sameyn karto” ayuu yiri wasiirka arimaha dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayeeynu wax ka weydiinnay sababta magaalada Muqdisho loogu qaban la yahay shirkaan looga hadlayo maalgashiga dalka maadaama amaanka magaaladda hadda uu wax badan iska bedalay.
Waxa uu tilmaamay wasiir hadliye in ay haboon tahay dalka in lagu qabto wax walba oo Soomaalida quseeya, hase ahaatee waxa uu sheegay in ay jiraan daruufo kale gaar ah oo uu haysto dadka ajnabiga ah, ayna wanaagsan tahay oo kaliya in shirarka la qabto waxa kasoo baxo la eego.
Ugu dambeyn Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye ayaa sheegay Sideed Ilaa iyo Sagaal Shirkadood ay soo bandhigi doonaan waxa ay qabtaan, isaga oo tilmaamay in shirkaan uu wax badan kaga bedalnaan doono shirarkii hore, wax badanna ay kasoo bixi doonaan.
Halkaan Ka Dhageyso Codka wasiirka: