Waxaa Maanta Lagu Soo bandhigay Dagmadda Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud Sargaal ka Tirsan Ururka All-shabaab Oo Asagu Maanta Si iskiisa isaga Baxay Ururka All-shabaab,
Gudoomiyaha Dagmadda Dhuusamareeb Macalin Cabdirixmaan Cabdulaahi Geedo Qorow Iyo Taliyaha Saldhiga Dagmada Dhuusmareeb Cabdulaahi Garaar, Oo Soo Bandhigay Ninkaan, Waxey Sheegeen iney Soo Dhaweenayaan Ninkaan maanta isku Soo Dhiibay Ciidamadda amaanka Ee Dowladda, Waxeyna Cabdulaahi Axmed Muxumad Oo Ah ninka isa Soo Dhiibay Ay Sheegeen iney soo dhaweynayaan Go’anka Uu Qaatay Maanta.
Hoos ka dhageyso:
Dhanka Kale Ninkaan Maata isa soo dhiibay ayaa sheegey inuu Aaminsanaa Markii Hore Fikir kale waxaanna uu sheegay in Markii Hore Laga Dhaadhiciyay in Ciidanka dowladda iyo madaxdoodaba Ay Yihiin Dad aan heysan Diinta Islaamka Oo Gaallo Ah, Sida uu sheegay.
Halkaan ka dhageyso Codka Cabdulaahi Axmed Muxumad.
Maaha Markii Ugu Horeysay Oo Sargaal ka Tirsan Ururka All-shabaab isku Soo Dhiibbo Ciidanka Dowladda Ee Gobolka Galgaduud, Waxaanna Gobolkaasi Ka Taagan Hardan Dhanka Siyaasadda Ah.