Shirkadda Caymiska Islaamiga ah ee Takaaful oo xarigga laga jaray (Sawirro).

0

Munaasibad xarigga looga jarayey howlgelinta shirkadda Ceymiska oo ay ka qeyb-galeen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Furitaanka bilawga hawsha Shirkada Caymiska Islaamiga ah ee Takaaful ayaa waxaa ka qaybgalay Mas’uuliyiin isugu jirta Wasiiro, Ganacsato Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xubna kale oo xafladda lagu casuumay, iyadoo si rasmi Shaqada Shirkadaasi Caymiska Islaamiga ah ay xariga ka Jareen Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ku-simaha Guddomiyaha Gobolka iyo Xubno kale.

Guddomiyaha Shirkadda Caymiska Islaamiga ah ee Takaaful Maxamed Cabdi Maxamed ayaa tilmaamay in shirkadda Caymiska Islaamiga ay bulshada u hayso adeegyo kala duwan, ayna diyaar u yihiin u adeegidda shacabka.

Ku-simaha Guddomiyaha Gobolka Ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda Mudae Ismaaciil Macalin Cabdi Guure ayaa amaanay doorka Shirkadan iyo waxa ay ku soo kordhin karto Shacabka ku nool Gobolka Banaadir.

Wasiirka Batroolka iyo Tamarta Mudane Maxamed Mukhtaar ayaa dhiirigaliyay dadaalka ganacsatada ay ku furanayaan xarumo loogu adeegayo bulshada.

“Waxaa sharaf ii ah in aan idinkala qeyb galo furitaanka shirkaddan, runtii Soomaaliya hadda ayay fursad haysataa, waxaana ka faa’iideysanaya dhalinyarada Soomaaliyeed ee waxbartay, Ceymiska waxa uu kabayaa dib u soo nooleynta dhaqaalaha dalka” ayuu yiri Wasiirka Tamarta.

Sidoo kale Wasiirka Ganacsiga iyo Warashadaha ee Xukumadda Soomaaaliya Mudane C/raxmaan Cabdi Cusmaan ayaa talaabo wanaagsan ku tilmaamay in Soomaaliya ay hesho Shirkad Caymis oo Islaami ah, isagoo Bogaadiyay ganacsatadii doorkaasi gacan ka geystay.
“Runtii shirkadan waxa ay fariin u tahay shacabka Soomaaliyeed, maadaama wax la ceyminayo, ganacsatada waxa ay u istaageen inay dib u soo nooleeyaan adeegyadii ganacsi, marka waa arrin fiican” ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga.

Shirkadda ayaa labo xafiis ka furatay Degmooyinka Xamarweyne iyo Shangaani, kuwaasi oo loogu adeegi doono bulshada nool caasimadda.

Hoos ka daawo sawiradda:

IMG_3993

IMG_3996

IMG_4002

IMG_4006

IMG_4015

IMG_4016

IMG_4020

IMG_4026

IMG_4028

IMG_4031

IMG_4039

IMG_4043

IMG_4050

IMG_4053

IMG_4054

IMG_4055

IMG_4058

IMG_4061

IMG_4062

IMG_4071

IMG_4085

IMG_4095

IMG_4101

IMG_4105

IMG_4107

IMG_4122

IMG_4143

IMG_4149

IMG_4161