(Sawirro) Maxkamadayntii ka socotay Taleex oo xukuntay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Jen. C/samad Cali Shire & Ciidamadiisii..

0

Maxkamadayn dhowrkii berri ee lasoo dhaafay ka soconaysay Magaaladda Taleex ee Gobolka Sool ayaa ugu damayntii Maantay xukun ku riday Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Jen.

Cabdisamad Cali Shire, Maxkamadda ayaa la xiriirtay dacwoadda dadkii lagu laayay, la dhaawacay lana barakiciyay bishii September 2013-kii dhibaatadaas oo ka dhacday Magaaladda Taleex.

Culumadda Xukunka qaadayay oo dhowrkii berri ee lasoo dhaafay Maxkamadaynta ka waday duleedka Magaaladda Taleex ayaa sheegay in wixii dhibaato ahayd ee ka dhacday Taleex 28-kii Bishii September 2013 ay masuuliyadooda lahaayeen Maamulka Puntland khaas ahaanna Ciidamadii uu watay Jen.Cabdisamad Cali Shire oo duulaan kusoo qaaday Taleex halkaas ku dilay dad gaaraya dhowr iyo toban.

kuwa kale dhaawacay kuwana barakiciyay. Shiikh Saciid Axmed Cadar oo kamid ahaa Gudigii loo saaray Maxkamadayn taan ayaa sheegay in wax alaala wixii dhibaato ah oo halkaas ka dhacday Markii Ciidamadda Puntland ay soo wareerareen Taleex ay dushiisa ahaatay Jen.

Cabdisamad Cali Shire haday ahaan lahayd Naf go’day, dhaawaca, khasaare Maaliyadeed iyo barakac-ba. Shiikh ayaa intaas ku daray in lagu wada qancay go’aanka ay gaareen Gudiga oo ka koobnaa qaybaha kala gadisan intii aan la furin Maxkamadayntana lagu dhaariyay labada dhinac oo ay dacwadu u dhaxeeysay inay ku qancayaan wixii xukun ah oo ay gudigu ridaan.

Dhanka kale, Culumadda iyo Gudiga gooyay xukunkaan ayaa sheegay in wixii dhiig ah loo saari doono Gudi dhaqameed sida ay caadaddu tahay iyagana loo dayn doono, maadaama imika ariintaani ay meel salka dhigatay.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Jen.Cabdisamad Cali Shire oo goobta xaadir ku ahaa ma uusan diidin xukunka ay Culumadda iyo Gudigu ay gooyeen, iyadoo ay muuqatay inuu ku qancay xukunkaan lagu riday isagga iyo Ciidamadii duulaanka kusoo qaaday Taleex oo ahayd magaalo nabdoon xiligaas ay dhibaatadu dhacday kahor.

Maxkamadayntaan oo socotay dhowrkii maalin ee lasoo dhaafay ayaa ugu damayntii Maantay soo idlaatay waxaana muuqata in wajiga labaad oo lagu soo gunaanadayo dhibaatadii Taleex ka dhacday lana wajihi doono iyadda imika ay howshu u gudubtay Odoyaasha dhaqanka oo ay tahay in wixii ay go’yeen gudigaani oo ahayd kala qaadashadda magta iyo wixii la hal-maalla ay geli doonaan.

Isku soo wada duuboo, Arintaan ayaa imaanaysa iyadda oo Taleex Mudooyinkii lasoo dhaafay ay ka taagnayd Colaad salka ku haysay amuurtaan maadaama Magaaladda oo ay nabadi kajirto ay soo weerareen dabayaaqadii sandii 2013-kii Ciidamo uu hogaaminayay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Jen. Cabdisamad Cali Shire.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA MAXKAMADAYNTA KA SOCOTAY MAGAALADDA TALEEX:

maxkamad-2 maxkamad-3 maxkamad-4