Maxaadan Ogeyn Oo Maanta Reer Muqdisho Ka Yaabiyey ? (DAAWO)

0

???????????????????????????????MOGADISHU, Som alia (Allgalgaduud.com) – Booliska magaalada Muqdisho ayaa maanta khamro ku bur-buriyay fagaare ku yaalla magaalada Muqdisho.

Bur-burinta khamrada aya waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala tirsan xafiiska xeer-ilaalinta qaranka iyo ciidanka booliska.

Ku-xigeenka xeer-ilaaliyaha qaranka, Jamaal Maxamed Axmed ayaa warbaahinta u sheegay in khamrada lagu qabtay goroonka diyaaradaha ee Muqdisho, 24-kii Febraayo ee sannadkan, bur-burinteedana loo cuskaday sharciga Islaamka iyo qawaaniinta u degsan dalka Soomaaliya.

Ku-xugeenka xeer-ilaaliyaha ayaa tilmaamay inay la dagaallami doonaan waxtaalaha maanka dooriya, wuxuuna ka digay in dalka lasoo galiyo khamrada iyo maandooriyeyaasha lamidka ah.

Booliska magaalada Muqdisho ayaa horay khamro ugu bur-buriyay isla goobta uu ku bur-buriyay maanta.

???????????????????????????????