DHAGEYSO, TOP NEWS:- Ciidamada Jabuuti oo la Wareegay Garoonka Diyaaradaha Dhuusomareeb.

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusomareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Goor dhaw halkaasi ay gaareen Ciidamo ka socda AMISOM gaar ahaa Dowladda Jabuuti waxaana ay la wareegeen Goobo Muhiim ah oo ku yaala Degmada.

Wariye C/llaahi Warsame Roobl ayaa Soo sheegay in Ciidamada ay la Wareegeen Amaanka Garoonka Diyaaradaha Baledweyne iyo Xarunta uu ka soconayo Shirka Dib u Heshiisiinta ee Vila Barwaaqo.

Ciidamada ayaa Xaqiijinaya  Amaanka Degmada Dhuusomareb oo maanta uu booqanayo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaake.

Ciidamadaan ayaa Shalay Galinkii danbe waxaa lagu celiyay Magaalada Gurceel xili ay ka tageen Magaalada Baledweyne,iyadoona markii danbe is Afgarad lagu Xaliyay.

Halkaan Hoose ka dahgeyso Codka: