(Dhageyso) Shirka Maamul Usameynta Goboladda Dhaxe Oo Furmaya Sadex Bari Kadib.

0

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Musharaxiinta  u taagan qabashada Xilka Madaxtinimo ee Maamulka loo sameynayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud  ayaa ka hadlay halka uu marayo Qorshaha Shirka Maamul u sameynta ee Gogoshiisa ay taalo Magaalada Caddado.

Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Shirka Maamul u sameynta Gobolada Dhexe uu dib u dhacay Dhowr jeer Sababo la xariira Cilado Farsamo Awgeed islamarkaana hada la filayo in 10-ka Bishaan March uu ka Furmo Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb.

“Qorshaha Shirka lagu Furayo Meel Fiican ayuu marayaa  waxaan rajo ka qabaa in uu qabsoomo Shirka waqtiga loogu talo galay”ayuu yiri Fiqi.

Sidoo kale Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi waxaa uu soo dhaweeyay Heshiiskii laga gaaray Dagaalkii Magaalada Gurceel,waxaana uu ku baaqay in Nabada laga wada Shaqeeyo oo la taageero Qodobadii ka soo baxay Heshiiska.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga Axmed Macalin Fiqi.