(Dhageyso) Jeneraal Galaal Oo Rajo Ka Muujiyay Dhaqan Gelinta Heshiiskii Guriceel.

0

Jeneraal Maxamed Nuur Galaal ayaa rajo wanaagsan waxa uu ka muujiyay in uu dhaqan galo heshiiskii dhawaan laga gaaray dagaalkii degmada Guriceel ee u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Ahlu-sunna Waljameeca.

Galaal ayaa sheegay in mar hadii heshiis la gaaray Labada dhinac looga fadhiyo in Nabadda ay wada qaataan shacabkana loo turo si ay dib ugu soo laabtaan degmadii ay ka barakaceen.

“Rajadu waxay tahay in heshiiskani uu soo celiyo xasiloonidii, dadka wada noolaanshihii uu usoo celiyo, Dugsiyadii Qur’aanka la furo, iskuulaadka la furo, ganacsiga  soo noqdo, dadku is soo dhex galaan oo sidii hore ay u noolaayeen u noolaadaan” ayuu yiri Jeneraal Galaal.

Mar aynu wax ka weydiinay Rajada laga qabo in Labada dhinac ay dhaqan geliyaan heshiiskaan ayuu sheegay in hadda waxa kaliya ay rajeynayaan tahay fulinta heshiiskaasi.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Ahlu-sunna Waljameeca ayaa 5-tii bishan March heshiis ku kala saxiixday degmada Guriceel ee gobalka Galgaduud ka dib dagaal dhex maray ciidamo Labada dhinac kala taabacsan.

Halkaan Hoose ka dhageyso: