DEG DEG : Xil ka Qaadista Muungaab Oo Saameyntii Ugu Xumeyd Yeelatay

0

muungaabWaxaa toddobaadyadii ugu danbeeyay la hadal hayay in xilka laga qaadayo guddoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), arrintan oo caado u noqotay Madaxtooyada Soomaaliya in mas’uulka xilka laga qaadayo bilo ka hor wararkiisa suuqa laga helo.

Siyaasadda noocan ah ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dad badan ku dhaliileen inay tahay mid qeyb weyn ka qaadatay musuqa baahsan ee dowladda Federaalka hareeyay iyo boobka hantida qaranka.

Hore ayay u dhacday in Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) in ka badan hal sano la hadal hayay in xilka laga qaadayo iyadoo arrintaasi gaartay inuu k shaqeyn waayo, isla markaana jago wasiir ku xigeen loo magacaabo isagoo xilkii Gobolka haya. Tallaabooyinka Madaxtooyada iyo madaxweyne Xasan Sheekh waxay guud ahaan uga dareen nidaamkii liitay ee dowladnimo iyagoo dhiirigeliyay boobka hantida qaranka, waxaan durba la dareemaya in waxqabadkii markii horeba iska liitay ee maamulka Gobolka Banaadir uu marayo halkii ugu liidatay ilaa xiligii kumeelgaarka.

Ciidamada Minishiibiyada waxay ku howlan yihiin oo qura canshuur qaadis iyo inay baacsadaan mootooyinka magaalada ka shaqeeya, daaraha dhismahoodu socdana ay lacago ka qaadaan. Guddoomiyeyaashii da’da yaraa ee looga fadhiyay waxqabadka waxay isu bedleen kuwo is ilaalinaya oo keliya u taagan inay tacbadaan inta aysan meesha ka tegin iyagoo ka baqaya inaysan ka danbeyn Guddoomiyahooda xilka laga qaadayo.

Qaar kamida guddoomiyeyaasha degmooyinka waxay lacago qoonde ah ku soo rogeen dadka degan hareeraha wadooyinka qaarkood oo ay sheegeen inay dhisayaan. Tusaale ahaan dad fara badan ayaa degmada Hodon dhowaan la isugu geeyay iyadoo lagu amray inay bixiyaan mid waliba lacag gaareysa $300 si wadooyinka hor mara dadkaasi loogu dhiso, haddii ay bixin waayaana la xirayo.

Waxaa kaloo la yaab leh in Maamulka Gobolka Banaadir uu bixinayo dhulal dan guud ah sida jardiinooyinkii magaalada oo la siinayo dad gaar ah oo ganacsi ka sameysanaya. Jardiinooyin badan oo dan guud ahaa sida Howlwadaag, Afarta jardiin, Lambar 4, SYL, Aargada, Bakaaraha iyo goobo kale waxaa qeybo ka mida la siiyay dad gaara oo ka dhigtay goobo ganacsi sida kaalimo shidaal iyo Baarar. Xaaladan aadka u ba’an ee Muqdisho ku jirto xilligan waxaa ugu danbeeyay in faras magaalaha KM4 ay ka muuqdaan qashin fara badan oo aan laga qaadin, iyadoo maamulka Gobolka banaadir ku andacooday in Turkiga uu joojiyay howlihii nadaafadda.