MOGADISHU, Somalia (Allgalgaduud.com) – Sida ay qaar kamid ah Howl-wadeenada Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid, inoo xaqiijiyeen, waxaa Caasimadda SOMALIA ee Muqdisho ka soconaya qorshe ah in R/wasaaraha uu bilaabay kala shaandheynta qaar kamid ah shaqaalaha xafiiskiisa, kadib markii uu ka shakiyay sida la shaaciyey.
Shakiga R/wasaaraha ayaa yimid maalmo kadib, markii ilaa 12 sarkaal oo katirsan Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida loo xiray, ineey wax ka ogaayeen qaraxii ka dhacay Hotelka SYL ee Villa-somalia kasoo horjeeda, kaasoo ay ku sugnaayeen wafdi hordhac u ahaa Booqashadii uu M/weynaha Turkiga ku yimid Muqdisho.
Ilo ku dhow dhow xafiiska R/wasaaraha, ayaa noo sheegay in R/wasaaraha maalmahaanba uu waday, inuu qorto shaqaale isaga uu keensaday kuna kalsoonyahay, taasoo walaac ku abuurtay shaqaalihii mudada dheer kasoo shaqeeynayay Xafiiska R/wasaaraha.