Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada Barre Hiiraale iyo kuwa Axmed Madoobe ay ku dagaalameen duleedka magaaladaasi.
Dagaalka ayaa ka dhacay deegaan u dhow tuulada Yoontoy waxaana dagaalka qaaday kuwa raaskambooni oo ka baxay Jaamacadda Kismaayo.
Ilo ku sugan duleedka Kismaayo ayaa sheegaya in khasaare lagu gaarsiiyay maleeshiyada Kismaayo kuwaasoo dhaawacooda lagu daabulayay baabuurta ay leeyihiin ciidanka Kenya.
Xaaladda ayaa maanta yara deggan waxaana dagaalka xooggiisa uu dhacay xalay abaare 02:00 markii ay saacadda ahayd.
Faahfaahin dheeraad waan idin soo wadnaa