Deg Deg:- Cumar Cabdirshiid Oo Maanta Ku Wajahan Guriceel iyo Dhuusmareb iyo Xaalad…

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta oo Sabti ah la filayaa inuu booqasho ku tago Gobolka Galgaduud, taasoo noqoneysa booqashadiisa u horeysay oo uu meel ka baxsan Muqdisho ku tago tan iyo markii la magacaabay.

Sida ay sheegayaan wararka Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo ayaa ugu horeyn ku hormari doona xarunta Galgaduud ee Dhuusa Mareeb, halkaasoo uu diyaarad ku tagi doono.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa inuu ka jeediyo khudbad shirka dib u heshiisiinta ee ka socda Dhuusa Mareeb, isagoo dhiira gelin doono shirka maamul u sameynta Gobolada Dhexe oo qorshihiisa yahay inuu dhowaan ka furmo degmada Cadaado.

Wararka laga helayo magaalada Dhuusa Mareeb ayaa sheegaya in qaban qaabada soo dhoweynta Ra’iisul Wasaaraha ay ka socoto magaalada, iyadoo amniga si aad ah loo adkeeyay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u gudbi doona degmada Guriceel, isagoo safar dhinaca dhulka ah ku tagi doono, wararka ayaa sheegaya inuu halkaas kula kulmi doono Mas’uuliyiinta Ahlusuna, iyadoo socdaalkiisana uu xoojinayo heshiiskii Khamiistii ay wada gaareen dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Ahlusuna, kaasoo lagu soo afjarayay dagaaladii ka dhacay Guriceel.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee Galgaduud ayaa maalmahan la hadal hayay, iyadoo diyaar garow iyo qaban qaabo ay labadii maalmood ka socotay degmada Dhuusa Mareeb.

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii la soo dhaafay booqday degmada Dhuusa Mareeb, iyadoo xilligii uu tagayay dagaalo ka socdeen degmada Guriceel.