Caalamka Oo Go'aan Ka Qaatay SOMALIA "Ma Jirto Xil Kororsi Marka La Gaaro 2016-ka.."

0

Breaking NewsALLGALGADUUD MEDIA : Ergeyga Gaarka ah ee Midoowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone D’Urso oo waraysi bixiyey ayaa sheegey in aysan jiri doonin wax muddo kororsi ah, lagana shaqaynayo sidii doorashooyin uga dhici lahaayeen Soomaaliya marka la gaaro sanada 2016-ka.

“Waqtiga waa mid nagu yar, waxaan heysanaa 17 bilood oo kaliya sababtoo ah doorashooyinka waxa ay dhacayaan bisha seebtembar 2016-ka. Waxaa aad muhiim u ah in la sameeyo guddiga doorashooyinka qaranka, lana magacaabo xubnaha guddiga, anagu waxa aan ula taaganahay taageero farsamo oo dhinac kasta leh” ayuu ergeyga.

Wuxuu intaasi ku daray in ay jiraan dalal badan oo xaaladda Soomaaliya oo kale ku jira oo iyagu doorashooyin laga qabtay, islamarkaasina laga tusaale qaataa, iyada oo la’isku taxluujin doono in tirada ugu badan ee Soomaali ah loo suurogalin doono in ay doortaan dadkii hogaamin lahaa .

“Doorashooyinka waxaan ku taageeri doonaa tobonaan malyuun oo doolar” ayuu intaasi sii raaciyey danjiraha.

Dhanka kale mar aan wax laga weeydiiyey kaalinta Midoowga Yurub ay ka qaadan karto furdaaminta xawaaladaha la xirey dalka Maraykanka ayuu sheegey in sanad ka hor sidan oo kale dalka UK ay dhacday, balse hadane lacagihii lasoo dirayay aysan is dhimin.

Wuxuu sheegey in ay dowladaha UK, Maraykanka, Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bangiga adduunka ay u socdaan wadahadalo sidii xal waara lagu heli lahaa oo ku saabsan arrimaha xawaaladaha.

Mar uu ka hadlayay xagga kobaca dhaqaalaha Soomaaliya ayuu farta ku fiiqey in beeraha iyo kalluumeysiga ay yihiin waxyaabaha laf dhabarta u noqon kara dhaqaalaha, wuxuuna intaasi ku daray in kaalmo badan ay ka geysteen sidii dib ugu soo kaban lahaayeen labadaasi dhinac.

Waxa uu ka deyriyey in dalagga iyo waxsoosaarka beeraha Soomaaliya aanan loo dhoofinin qaaradda Yurub, balse waxa uu sheegey in uu rajo ka qabo in uu dib u biloowdo dhoofka maadaamaa wax laga badalay heshiiska Cotonou kaasi oo fududeynaya wax isu dhoofinta qaaradaha.