Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta oo ay taariikhdu tahay 6-3-2015 dib ugu soo laabtay magaalo madaxda dawladda Puntland ee Garoowe, kadib safar maalmo kooban qaatay oo uu ku tagay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.
Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad, Aqoonyahan, Maamulka Gobolka Nugaal, Maamulka Degmada Garoowe iyo masuuliyiin kala duwan ayaa Madaxweynaha iyo Wafdiga uu hogaaminayey si wanaagsan ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalo Madaxda Puntland ee Garoowe.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta la hadlay markii uu soo gaaray xafiiskiisa xarunta madaxtooyada ee dawladda Puntland ayaa waxaa uu ka warbixiyey safarkiisii iyo waxyaabahii uu kala kulmay mudadii uu ku sugnaa magaalada Kismaanyo ee xarunta Gobolka Jubadda Hoose.
Hoos ka daawo sawiradda: