(Dhageyso) Koofur Galbeed oo wada hadal la fureyso cidka kasta oo mucaaradsan siyaasada ay ku shaqeeyaan.

0

Xubnaha maamulka koofur Galbeed oo maalintii shalay wasiirka xanaanada Xoolaha ka dhigay Madoobe Nuunow Maxamed ayaa soo dhaweeyay cid kastaa oo ka aragti duwan maamulkaasi ka dhisan Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Xasan Cabdi Maxamed oo ah Wasiirka Warfaafinta koofur Galbeed ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan cid walbaa oo dooneysa inay xubin ka noqoto maamulkaasi ayna kasoo horjeedaan dib u dhac ku yimaada dadka ku dhaqan deegaanadaasi.
Sidoo kale wuxuu wax lagu farxo ku tilmaamay in Madoobe Nuunow oo ahaa Madaxweynaha maamul ka kooban lix gobol uu dhankooda kusoo biiro.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa hada dhameystirmay inkastoo Maamulkaasi uusan laheyn Madaxweyne ku xigeen rasmi ah.

Hoos ka dhageyso: