(Sawirro) Abuukar Cawaale Oo Gaaray Dagmado Qardho Ee Gobolka Karkaar.

0

Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale Qaaddiid ayaa maanta oo Axad ah lagu soo dhaweeyay magalada Qardho xarunta Gobalka Karkaar.

Mamulka Gobalka Karkaar, kan degmada Qardho iyo dadwayne kale ayaa duleedka magalada kaga hortagay Qaaddiid iyo wafdiga uu hoggaaminayo, halkaasoo uu markii danbe kulan kula qaaday haweenka Gobalka iyo qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka.

Ugu horayntii Maayarka magalada Qardho Maxamed Siciid Hoggaama-laroor ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshaha Cawaale  magalada, ayna sidoo kale soo dhawaynayaan Olalaha la-dagalanka Qaadka oo uu soo gaarsiiyay Gobalka Karkaar.

Qaar ka mid ah haweenkii iyo Odayaashii kulankan soo dhawaynta ah kasoo qayb galay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin wacyi galinta la-dagalanka Qaadka, waxayna sidoo kale sheegeen inay muhiim tahay sidii jiilasha soo socda looga cirib tiri lahaa qaadka lagu soo daabulo maalin kasta gobaladda Soomaaliya.

Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale ayaa u mahad celiyay dhamaan dadkii ka qayb galay soo dhawayntiisa, wuxuna sidoo kale u mahad celiyay mamulka, macalimiinta iyo ardayda Jaamacadda Bariga Africa qaybta Qardho oo qayb weyn ka qaatay soo dhawaynta Qaaddiid.

Cawaale wuxuu sheegay inuu wado wacyi galin ka hor tagaysa dhibaatooyinka Qaadka, wuxuuna Hooyooyinkii kulanka joogay ku tilmaamay inay yihiin laf-dhabarka Qoyska loona baahan yahay inay wacyi galinta kaalin muuqata ka qaataan.

Arrimaha uu Qaaddiid sheegay inay muhiim tahay hada in la qabto ayuu ku sheegay inay tahay in goobaha Qaadka lagu gado laga saaro magaalada oo loo sameeyo goob caan ah, si dadka magalada ku nool ay uga nabad gallaan dhibaatooyinka Qaadka.

Kulan weyn ayaa caawa lagu qabanayaa Jaamacadda Bariga Africa Qardho, halkaasoo lagu soo bandhigayo khudbado la xariira Qaadka iyo saamaynta uu dadka iyo dalka ku yeeshay.

Hoos ka daawo sawiradda:

5-450x299 6-450x299 8-450x299 9-450x299 12-450x299 13-450x299 14-450x299 15-450x299 16-450x299 17-450x299 18-450x299 19-450x299 20-450x299 21-450x299 22-450x299 41-450x299 111-450x299 121-450x299