War Deg Deg Ah: Diyaarad 20 Kun oo Dhallooyin Khamri Ah U Sida Villa Somalia Oo la Qabtey

0

tusker-beer-kenyaMuqdisho(AGGM) Ciidamada amaanka Garoonka diyaaradaha Aadan Cade ayaa shaaciyey inay hadda gacanta ku hayaan diyaarad sida Maandooriyeyaal tiro badan,iyadoo maandooriyahaasi lagu tilmaamay inuu yahay Khamro,waxaan saraakisha ciidamada amaanku shaaciyeen inay diyaaradahas iyo dhamaan shaqaalihi saarnaa gacanta ku hayaan.

Sarkaal ka tirsan ciidamada nabad sugida oo warbaahinta Allgalgaduud warbixin hor u dhac ah siiyey balse ka gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa daboolka ka qaaday in diyaaradaasi ay ka soo duushay Magaalada Nairobi ee dalka kiiniya isla markaasna ay sido Khamri cadadkiisa lagu tilmaamay 20 kun oo dhalo,waxaana sarkaalkaasi daboolka ka qaaday in Khamrigaasi lagu soo farsameyey magaalada nairobi.

Sidoo kale waxaa uu sarkaalkani Allgalgaduud u sheegey in shaqaaladaha diyaarada saaran ay shaaciyeen in khamrigaasi ku socdo Madaxtooyadda Villa Somalia,waxaana uu sheegay in Madaxda dawladda Qaarkood ay isticmaalaan Maandooriyeyaasha nooacaasi oo kale balse ay aad ula yaabeen in Soomaaliya hal mar laga soo dejiyo diyaarad khamro ah oo sida in ka badan 20 kun oo dhalo oo khamro ah.

Ugu dambeyntii madaxda dawladda Soomaaliya ugu sar sareyaa kama hadlin diyaaradan  iyo khamriga saaran iyadoo wararka qaarkood sheegayaan inay Khamrigaasi ay soo iibiyeen shirkado Soomaaliyeed oo dalka hore uga hawlgali jirey balse hadda u bedeshay shaqadoodi inay dalka Soomaaliya Khamriga soo galiyaan iyagoo aadeegsanaya magac Kambani ahaan ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com