Ciidamadda Amaanka Dalka Kenya Ayaa Lagaliyay Heegankii Ugu Danbeeyay Ee Ay Oga Hortagayaan Weerarro Oga Yimaadda Dhinaca Kooxda Al Shabaab Oo Dhawaan Jeedisay hanjabaad ku aadan in ay weeraro ka geysanayaan Suuqyo ganacsi oo ku yaalo dalalka USA, Canada iyo UK.
Ciidamdda ayaa qaaday tallaabooyin lagu xaqiijinaayo ammaanka dalkaasi, loogana hortagaayo weeraro ay suuragal tahay in Shabaabka ay geystaan Sida Uu Sheegay Afhayeenka ciidamada Kenya David Obonyo Oo Xusay iney yareynayaan hanjabaadaha Al Shabaab ayna yihiin kuwo ay doonayaan inay ku qal-qal geliyaan shacabka ku dhaqan dalka Kenya.
“Kooxdaasi waxay bilaabeen qaabab kala duwan oo ay dadka ku cabsi geliyaan markii magaalooyin muhiim ah laga qabsaday, marka muuqaalka waxba nooma dhibaayo, waana ka hortageynaa”.Ayuu yiri afhayeenka Ciidamada miletariga Kenya.
Kooxda Shabaab ayaa xiriir la leh Al-Qaeda, waxaana Shabaab ay horay weeraro uga geystaan dalalka Kenya, Uganda Jabuuti iyo Soomaaliya oo ah fariisinka ay ka duulaan.
Sida Lawada Xasuusto 2013 Bishii September ayeey weerar ka geysteen Suuqa ganacsiga Westgate Mall ee dalka Kenya, halkaasi oo ay ku dileen ku dhawaad 60 ruux, halka ay ku dhaawaceen in ka badan 100 ruux.
Faah Faahinta Kala soco AGGM.