TOP DHAGEYSO:- Puntland oo sheegtay in ay qabatay Rag ka tirsan Shabaab.

0

Ciidamada Maamulka Puntland gaar ahaan kuwa Daraawiishta ayaa Howlgallo ay ka fuliyeen Wadada isku xirta Magaalada Boosaaso iyo Buuraleyda Galgalla waxaa ay ku soo qab qabteen Rag ay ku sheegeen  Al-shabaab.

Sargaal sare oo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa Xusay in Ciidamadu ay qabteen ilaa  Dhowr ruux oo ka tirsan Al-shabaab islamarkaana Weeraro ka soo qaadi jiray Buuraha Golis ee Al-shabaab ay ku Xoogan yihiin.

Ciidamada Maamulka Puntland iyo Al-shabaab ayaa dhowr jeer ku dagaalamay Buuraha Galgalla,iyadoona uu Maamulka Puntland horay u sheegay in Al-shabaab ay ka saareen  Buuraha Galgalla.

Hoos ka dhageyso: