Warbaahinta Allgalgaduud Media, ayaa markii ugu horeeysay heshay Dukumiintiyo muhiima oo Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Somalia ka soo qaaday gurigii ay Muqdisho ka deganeed haweeneeydii isku qarxisay Hotel Central Lul Ahmed Dahir.
Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Somalia waxeey sidoo kale guriga Luul Ahmed ka soo qabteen laba qof oo la shaqeeynaayay Luul kuwaas oo la rumeeysan yahay iney isu diyaarinayeen qaraxyo ismiidaamina.
Nin iyo naagtaan ay Hay’ada Sirdoonka sawirtay waxeey Luul Ahmed kala shaqeeynayeen Shirkada Nadaafadda qaabilsan oo lagu magacaabo Baarqab.
Ciidanka Nabadsugida markeey shan iyo toban daqiiqo kadib qaraxa galeen qolkeey deganeed ayey labadooda dhex fadhiyeen,waxaana la weydiiyay “Xageed ka timaadeen”
Labadaan qof waxey NISA u sheegeen iney ka yimaadeen Burco laakiin weli waxaa ku socota baaris.
Ninka la qabtay waxaa Isha iyo Jirkiisa qeybo ka mida ku yaalo dhaawac,wuxuuna sheegay iney Muqdisho ka furteen Shirkadda Nadaafada Baarqab taas oo aan sawiro ka soo qaadnay.
Waxaa la weeydiiyay Luul Ahmed aaway,waxey ku jawaabeen waa shahiiday Luul,allaha u naxariisto.sidaas waxaa All-Galgaduud u sheegay nin ka tirsan Saraakiisha Sirdoonka Dowladda oo kiis baaris ku waday.
Qolka Luul ka deganeed guriga Muqdisho waxaa laga helay dukumiintiyo muhiima sida Baasaboorkeeda Holland,Warqado ,baasabooro dad kale leeyihiin,tikidho,Cajalado muuqaala,kitaabo,iyo Rasiityo lacago loogu soo diray.
Ninka iyo naagta la qabtay waxaa la weydiiyay Caruurta Luul halkeey jiraan waxeeyna ku jawaabeen “Borama ayey u dirtay inteeysan is qarxin ka hor”
Warbaahinta waxeey sidoo kale heshay sawiro Nabadsugidda Dowladda ka qaadeen qolkeey ka seexatay Hotel-ka Central ee qaraxyada lagu diyaariyay.
Sawiro laga soo qaaday gudaha Hotel-ka waxeey muujinayaan inuu guud ahaan burburay maxaa yeelay xitaa qolalkii jiifka ayaa guud ahaan dumay.
Labada qof ee la qabtay,ka sokoow waxeey Ciidanka Dowladda garoonka Muqdisho ku qabteen nin ka mid ahaay kooxda oo doonayay inuu baxsado sida All-galgaduud ay u sheegeen Saraakiil amaan oo ka shaqeeya Garoonka.
Qaraxa lagu hoobtay waxaa abaabulay nin ka mida Ganacsatada kireeystay Hotel-ka kaas oo lagu magacaabo Cabdi rashiid Heybe ,ahna Gudoomiye ku xigeenka rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.sidoo kale waxaa baxsaday ninkii qaraxyada Baabuurka ka buuxshay oo lagu magacaabo Cabdi ismaciil kaas oo ka tegay Magaaladda Cardiff ee dalka Ingiriiska.
Waxaa Xabsiga Madaxtooyadda ku xiran nin ka mida Saamileeyda Hotel-ka u kireeysnaa kaas oo lagu magacaabo Axmed Ismaaciil Xuseen Gaane.
Sikastaba ha ahaatee,guud ahaan dadka isqarxiyay,kuwa la qabtay iyo kuwa baxsaday waxeey noqdeen dad ka soo jeeda Hargeysa,Burco iyo Borama,waxaana isweeydiinta tahay sababaha dadka u dhashay goboladaas qaraxyada ula soo doonteen Muqdisho ?