(Sawirro) Tababar Loo Furay Saxafiyiinta Cadaado.

0

Ururka ay ku mideysan yihiin wariyaasha Ximan iyo Xeeb ayaa tababar u furay in ka badan 30 wariye oo ka howlgala deegaanada hoos yimaada maamulka Ximan iyo Xeeb.

Tababarkan oo socon doon mudo dhowr maalin ah ayaa lagu bari doonaa wariyaasha anshaxa saxaafada iyo sare u qaadista aqoon suxufiyiinta waxaana bixinaya casharada macalimiin qibrad iyo waayo aragnimo u leh saxafad.

Qaarkamid ah wariyaasha ka faa’iideysanaya tababarkan ayaa sheegay inay kufaraxsan yihiin qaadashada casharaxa la xariira anshaxa saxaafada waxayna tilmaameen inay ku raja weyn yihiin inay wax ka koror sadaan tababarka mudada uu socdo.

Maxamuud Cabdi Diirshe oo kamid ah macalimtiinta bixineysa tababarka ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan in wariyaasha ay ka caawiyaan sidii sare loogu qaadi lahaa xirfadooda islamarkaana ay ku didaalayaan bixinta casharo tayo leh.

Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta deegaanada Ximan iyo Xeeb Mahamed Mahamud Aw adan oo warbaahinta kula hadlay goobta uu ka socday tababarku ayaa sheegay in ururka suxufiyiinta uu markasta u taagay yahay hormarinta saaxafada iyo tayaynta suxufiga waxuuna gudoomiyaha codsaday in laga taageero tababarada wariyaasha.

Xiliyadii lasoo dhaafay ayaa ururka suxufiyiinta waxa ay wadeen qorshayaal ku aadan sidii sare loogu qaadi lahaa xirfada wariyaasha maadama ay suxufiyiinta u baahan yihiin tababaro joogto ah.

Hoos ka daawo sawiradda:

?????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????