U GAAR AH ALLGALGADUUD MEDIA : Soomaalidu waxay tiraahdaa “WAR JIRAABA – CAKAARUU IMAN” oo loola jeedo wax alaale iyo wixii qarsoon ama jira inay soo butaacayaan oo ay banaanka is keenayaan, hadaba anagoo taasi tixraacayna, ayaa waxaa isasoo taraya oo iminka soo ifbaxay arrin jah-wareer ah oo uu la kowsaday R/wasaaraha Somalia.
Cumar C/rashiid Cali ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday xaqiiqada xilka uu ka hayo dowladda kadib markii uu si rasmi howlihiisa ugu soo laabtay 22-ka bishan isagoo ka yimid Dalka Kanada.
Xogta Allgalgaduud.com ka heleyso xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegeysa inuu ku soo dhex dhacay xaalad qas ah oo ka taagan xukuumadda iyo wasaaradaha iyadoo aanay jirin qorshe howleed iyo howl si fiican u socota, ayna isku dhex yaacsan yihiin wasaaradaha dowladda iyo hay’adaha kala duwan ee hogaanka dalka.
Arrimaha ugu xasaasisan ee Ra’iisal wasaaraha ka hor yimid waxaa ka mida:
1. Wasiiro is barbar yaacaya oo aan lahayn shaqo u kala soocan.
2. Xafiisyo shaqooyin aanay iyagu lahayn haya.
3. Iyo nidaan xiriiriya hay’adaha iyo wasaaradaha dowladda oo aan jirin.
Waxaa dhacay in isla markii la ansixiyay golaha wasiirada ay dalka ka dhoofeen ilaa 4 wasiir oo shirar dibadda ah u baxay, iyadoo mid waliba safar u diyaarsanaa iska aaday, waxaana ku xigtay in ra’iisal wasaaruhu xaalad degdeg ah soo wajahday oo isna dalka ka tegay.
Dhibaatada ugu weyn ee CC heysata ayaa hadda lagu tilmaamay inay tahay Xafiiska madaxtooyada oo inta badan gacanta ku haya howlaha laga rabay inay qabato xukuumadda, iyadoo wasiiraduna ay narka hore warbixinta la wadagaan madaxweynaha.
Agaasimaha Madaxtooyada Cali Cumar (Cali Balcad) oo loo arko ra’iisal wasaaraha yar ee madaxtooyada ayaa gacanta ku haya qeybaha ugu muhiimsan shaqadii ra’iisal wasaaraha iyo xukuumadda iyadoo uu la ogyahay madaxweynaha, wuxuuna qabtaa howlaha dhammaan xiriirka dibadda iyo dowladda iyo dhaqdhaqaaqa gudaha, waxayna madaxtooyadu gacanta kula jiraa howl kasta oo ka socota Muqdisho.
Arrintan oo horeba u soo taagneyd ayna u taag waayeen ra’iisal wasaarayaashii hore ayuu ku soo dhex dhacay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid maalmihii ugu danbeeyayna wuxuu arkay tallaabooyin ka careysiiyay oo ku saabsan arrinta qaraxyadii ka dhacay hotel Central. Cumar C/rashiid ayaa looga fadhiyaa inuu iska aqbali doono xaaladda adag ee uu ku jiro iyo inuu tallaabo qaadi doono sidii u soo ceshan lahaa awoodihiisa sharciga ah.