Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta Magaalada Muqdisho uga qeyb galay Munaasabad lagu Xusayo Aas Aaska Ciidamada Asluubta oo lagu qabtay Xarunta Ciidamada Asluubta ee Muqdisho.
Munaasabada ayaa ah mid lagu Xusayo 45 guuradii ka soo Wareegatay Markii la Aas Aasay Ciidamada Asluubta Soomaaliya,waxaana halkaasi ay Ciidamada Asluubta ku soo bandhigeen Dabaaldagyo ay ku muujinayaan Aas Aaska Ciidamada Asluubta iyo Waayihii ay soo Mareen.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ku weheliya ka qeyb galka Munaasabada Wsaiirka Gaashandhiga Soomaaliya Gen C/qaadir Sheikh Cali Diini,Taliyaasha Ciidamada ASluubta,Milatariga,Booliska iyo Nabad Sugida iyo marti Sharaf kale.
Waxaana lagu wadaa in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shekh Maxamuud uu Qudbad ka jeediyo Munaasabada lagu Xusayo Aas Aaska Ciidamada Asluubta.
Hoos ka dhageyso: