Gudoomiyaha Degmada Holwadaag ee Magaalada Muqdisho Axmed Nuur Cabdi ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in Shidaalka lagu iibiyo Goobaha saxmada badan sida Suuqyada iyo meelaha kale ee nugul sida Bararka ama Maqaayadaha.
Maamulka waxa uu sheegay in todobaadyada soo socda ay wareegto ay ku mamnuucayaan arrintaasi ay soo saari doonaan.
Hadalkaan waxa uu ka dambeeyay kadib markii shalay Dab ka kacay Isgoyska Black sea ay ku gubatay Hanti badan.
Hoos ka dhageyso: