(Dhageyso) Gudoomiyaha Wadajir " Amaanka Degmada wax badan ayaan ka qabanay.

0

Gudoomiyaha Degmada Wadajir Axmed C/dulle Afrax ayaa waxa uu ka hadlay Amaanka Degmada Wadajir waxa uu ka bedelay tan iyo Markii uu xilka la wareegay. 

Gudoomiyaha ayaa sheegay in wax badan ay ka qabteen amaanka Degmada isla markaana ay ku guuleysteen in si wadajir ah u shaqeeyaan Ciidamada amaanka iyo Shacabka Degmada.


Gudoomiyaha ayaa xusay in sidoo kale ay ku guuleysteen iney wax ka qabteen Ciidamo dhibaato joogto ah ku heyn jiray Shacabka degmada isla markaana iminka Degmada aysan ka jirin Ciidamo aan sharciyeeyneeyn.

Dhanka kale Gudoomiyaha Degmada Wadajir Axmed C/dulle Afrax ayaa sheegay in Maamulkiisa uu ku guuleystay inuu Degmada ka jaro Geed Yahuudka ama cali Garoobka isla markaana ay isku fureen Wadooyinka Degmada.

Hadalkaan ayuu Gudoomiyaha Degmada Wadajir Axmed C/dulle Afrax ka sheegay ka dib markii uu ka qeyb galay Barnaamij si toos ah ugu baxaayay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho. 

 

Hoos ka Dhageyso: