GURICEEL, Somalia (Allgalgaduud.com) – Isagoo hadda ku sugan Magaalada Guriceel ee Gobalka Galgaduud, ayaa mid ka mid ah Hogaamiye-kooxeedyadii Muqdisho, waxa uu si gabasho la’aan ah u weeraray Dowladda Somalia iyo hawlgalada Ciidamadeedu ka wadaan Gobalkaasi.
Siyaasiga Cabdi-Nuure Siyaad oo kamid ahaa Siyaasiyiintii dhawaan lagu weeraray Magaalada Muqdisho oo sheegay in dagaalada ay Ciidamada Dowladu kawadaan Guriceel ay yihiin kuwo Xasuuq ah, ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in shaqsi ahaantiisa uu beeninaayo wararka la xiriira inuu Guriceel kawado Dagaal, waxa uuna Tilmaamay in halkaasi uu ku yahay Deegaan islamarkaana Muqdisho uu uga cararay Amaan darida hataan.
Waxa uu sheegay inuu guri ka dagan yahay Guriceel islamarkaana kamid yahay dadka shacabka ah ee halkaasi ku nool, taasina aysan ka turjumeynin inuu yahay shaqsi halkaasi u jooga ka qeybqaadashada dagaalada.
Si kastaba ha ahaatee, waxa uu Dowlada ugu baaqay inay joojiso falalka ay kawado gudaha iyo daafaha Magaalada Guriceel, waxa uuna carabka ku dhuftay in dhibaatadaasi oo idil ay waxyeelo adag kasoo gaartay dad shacab ah.