ALLGALGADUUD MEDIA – Qoysaska Ismail Muse Guled iyo Lul Ahmed Dahir ayaa markii ugu horeeysay xaqiijiyay iney ku dhinteen weerarkii ismiidaaminta ee Hotel Central Muqdisho.
Hooyada dhashay Lul Ahmed Dahir ayaa sheegtay in gabadheeda Luul iyo ninkii qabay Ismail Muse ku dhinteen qaraxyadii ay la beegsadeen dad ka soo baxay Masjid ku dhex yaal Hotel-ka Central.
Saraakiisha Nabadsugida Dowladda Somalia oo baaristoodii weerarka soo afjarayna waxeey sheegeen in qaraxa koowaad ee Masjidka fulisay Luul Ahmed Dahir ,halka qaraxii 2-aad ee Baabuurkana uu fuliyay ninkeeda Ismail Muse.
Lamanaayaasha is qarxiyay waxeey heeysteen dhalashadda Dalka Holland.waxeey Luul Ahmed Dahir u dhalatay qabiilka Isaaq gaar ahaan Sacad Muse ,Jabriil Abokar.
Ismail Muse oo u dhashay qabiilka Gadabuursi wuxuu horey u abaabulay Weerarkii lagu qarxiyay Hotel Maka Al Mukarama hasse yeeshee waxeey saaxiibadiisa Al-Shabaab suuqa u gelsheen inuu dhintay,una dhintay Malaariyadda Madaxa ku dhacda.
Warbaahinta Allgalgaduud, ayaan ku qornay Warbixin dheer oo ku saabsan Luul iyo Ismail,waxaan ku cadeeynay warbixintaas iney Luul ka shaqo biloowday Hotel-ka Central iyadoo lagu tababaray Magaalo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabelleda hoose.
Warbixintaas oo aan faafinay Jimco July 11, 2014, Lul Ahmed Dahir waxeey maalintii ku shaqeeyn jirtay shan dollar,waxeey heysatay lix Caruura ah.
Ismail Muse,Lul Ahmed iyo laba nin oo Somalia waxeey qorsheeynayeen iney weeraro ismiidaamina ka fuliyaan dalka Belguim 24 December 2014 hasse yeeshee markii uu dhintay Amiirkii Al-Shabaab Ahmed Godane ayuu hoowlgalkaas fashilmay,wuxuuna dib ugu laabtay Somalia.
Wargeyska Dailymail ee ka soo baxa Dalka Ingiriiska ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Ismail Muse iyo xaaskiisa Lul Ahmed Dahir oo heystay dhalashada dalka Holland isku qarxiyeen Hotel Central ,
HALKAAN KA AKHRI
Somali intelligence believe both bombers — a man and a woman — were Dutch-Somali citizens who infiltrated the Central Hotel close to the presidential palace to carry out the attack on Friday.
Sources within the Somali National Intelligence and Security Agency (NISA) said the man, identified as Ismail Muse, detonated a bomb in a car parked at the hotel while the woman, Lula Ahmed Dahir, set off her explosive vest inside the hotel’s prayer room.