Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Garbahaarey ee Xarunta gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Maxamed Ugaas Xaashi oo iminka ka dhoofay magaaladaasi isagoo ku wajahan magaalada Doolow.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Diyaarada qaaday ay iminka ka duushay magaalada Garbahaarey waxaana saarnaa Maxamed Ugaas Xaashi iyo 4 nin oo ka tirsanaa kooxda Bac madoow.
Maxamed Ugaas Xaashi ayaa waxa uu ka biyo diiday dhamaan Talooyinka Nabadoonada, Waxgaradka, Saraakiisha,Siyaasiyiinta iyo dhamaan qeybaha bulshada ee kala gadisan ee Beelweynta Beesha Sade ee ku shirsanaa magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.
Dhinaca kale Maxamed Ugaas Xaashi ayaa si cad ugu sheegay Nabadoonada, Waxgaradka, Saraakiisha iyo Siyaasiyiinta Beelweynta Beesha Sade ee ku shirsanaa magaalada Garbahaarey in uu yahay isagu nin ka tirsan Horjoogeyasha Maleeshiyada Raaskambooni maranabana uusan ka harayn.
Isku soo wada duuboo Cagtii joogsan weydaa mar uun beey ceeb la kulantaa, Maxamed Ugaas Xaashi waxa uu hadda u muuqdaa nimaysan ceebi karin, waxaase loo fadhiyaa halka uu ku danbey doono mustaqbalka dhow…..