Wararka naga soo gaaraya magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in ay socoto qaban qaabada Caana shubkii 2aad ee Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi ka dib markii uu tanaasulay Maxamed Ugaas Xaashi.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Nabadoonada, Waxgaradka, Saraakiisha iyo Siyaasiyiinta Beelweynta Beesha Sade oo dhawaanahan ka shirsanaa sida loo xalin lahaa khilaaka dhaqanka ay amar ku bixiyeen in mudo 15 cisho ah Maxamed Ugaas Cumar iyo Maxamed Ugaas Xaashi uu midkoodna uu ka safri karin magaalada Garbahaarey, qofkii ka tagaana uu yahay qof tanaasulay.
Waxaa saacad ka hor ka duulay garoonka magaalada Garbahaarey Maxamed Ugaas Xaashi ka dib markii uu Nabadoonada, Waxgaradka, Saraakiisha iyo Siyaasiyiinta Beelweynta Beesha Sade oo dhawaanahan ka shirsanaa sida loo xalin lahaa khilaaka dhaqanka uu si cad ugu sheegay inuu ka tanaasulay Ugaasnimada.
Dhinaca kale waxaa iminka ka socda magaalada Garbahaarey qaban qaabada ku caanashubka labaad ee Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi.
Isku soo wada duuboo waxaa maanta guul u ah Beesha Sade in Maxamed Ugaas Xaashi uu ka duulay garoonka magaalada Garbahaarey isagoo ka tanaasulay Ugaasnimada uu in mudo sida dulmiga ah u sheeganayay kuna daadshay dhiiga dad badan oo u dhashay beesha Sade.