Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa maanta baaritaan caafimaad ugu ambabaxay dalka Jarmalka, halkaasoo todobaadkii hore uu Madaxweynaha u tagay arrimo caafimaad.
Saraakiil ku dhow dhow Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in safarka Gudoomiyaha uu yahay mid caafimaad ah oo la xiriirta, sidii baaritaan caafimaad u soo sameyn lahaa.
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku sagootiyay xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Xafiiskiisa.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Gudoomiyaha Baarlamaanka ay safarkiisa ku wehliyaan Xaaskiisa iyo wiil uu dhalay, waxaana Mr Jawaari la sheegay inuu geli doono isbitaal ku yaal magaalada Barliin, halkaasoo muddo todobaad ah ku jiri doono.
Sidoo kale waxaa la sheegayaa in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu horay u qorsheynayay inuu safar caafimaad u aado dalka dibadiisa, ka hor inta aan Madaxweyne Xasan Sheekh 10-kii bishan aanu safar caafimaad ugu ambabixin dalka Jarmalka.
Gudoomiye Jawaari ayaa buuq badan iyo jahwareer galay kulamadii u dambeeyay ee Baarlamaanka, intii uu taagnaa khilaafkii ka dhashay dhismaha Xukuumadda iyo ridistii Xukuumadii C/wali Sheekh Axmed, waxaana la sheegayay in labadii habeen ee la soo dhaafay in xanuuno yar yar ay hayeen.
Safarkan Caafimaad ee uu Gudoomiye Jawaari u aaday dalka Jarmalka ayaa ku soo aaday, iyadoo Baarlamaanka Soomaaliya uu fasax labo bilood ah galay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa todobaadyo ka hor baaris caafimaad u tagay Jarmalka, waxaana Madaxweynuhu wareysi uu siiyay BBC-da ku sheegay in xaaladiisa ay wanaagsan tahay, balse aanu saddexdii sano ee uu xilka hayay.
Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo 70-jir ah ayaa xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya loo doortay bishii Agosto ee sanadkii 2012, xilligaasoo dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah uga baxday Kumeel gaarka.