(Sawirro) Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo soo dhaweeyay Olalaha la-dagalanka Qaadka.

0

Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa soo dhaweeyay Olalaha la-dagalanka Qaadka, ka dib markuu maanta ka qayb galay kulan wasaradda Haweenku soo qaban qaabisay oo looga hadlayay dabar-goynta Qaadka.

Madaxwayne Camay waxa uu sheegay Qaadku inuu waxyeelo faro badan dadka ku hayo, isla markasna aan la qarin karin dhibaatooyinkiisa, hase yeeshee wacyi galinta uu Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka uu wado muhiim tahay in la taageero oo la garab istaago.

Camey waxa uu sheegay la-dagalanka Qaadka inuu u baahan yahay midnimo iyo isku duubni,ayna garab taagan yihiin ka dowlad ahaan Abuukar Cawaale.

Wasiirrada Ganacsiga, howlaha guud iyo gaadiidka oo ka mid ahaa masuuliyiintii kulankan oo ka dhacay xarunta wasaradda ka hadlay ayaa dhankooda sheegay inay soo dhawaynayaan Olalaha la-dagalanka Qaadka, waxayna Qaaddiid ku dhiirigaliyeen inuusan ka harin oo uu kusii dhiirado wax kasta oo caqabad oo ka hor timaada.

Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa soo jeediyay waxa uu tilmaamay Qaadka inaan si sahal ah lagu joojin karin, balse loo baahan yahay hoggaamiyayaasha Puntland inay dowrkooda ka qaataan.

Olalaha la-dagalanka Qaadka ayaa horay u gaaray goobaha waxbarashadda, iyadoona bahda aqoonta ay sheegeen inay tahay fursad muhiim ah oo soo martay Puntland lana joogo waqtigii dhibaatooyinka qaadka laga wada hadli lahaa.

Hoos ka daawo sawiradda:

30-450x299 79-450x299 108-450x299 140-450x299 146-450x299 174-450x299 184-450x299 194-450x299 203-450x299 225-450x299 234-450x299 244-450x299 254-450x299 263-450x299 281-450x299 291-450x299 321-450x299 331-450x299 341-450x299 351-450x299 361-450x299 512-450x299 1113-450x299 1212-450x299 1310-450x299