Waxay daladu diraysaa tacsi ku socota guud ahaan umada soomaaliyeed gaar ahaan dadkii geeriyooday eheladooda.waxaan leenahay inaalilaahi wa inaa ilaahi raajicuun.
samir iyo imaan ilaahay haynaga wada siiyo geeridii ku timid umad ku sugan dalkoodii oo si nabad ah uugu sugnaa hotelka dhibku ka dhacay iyadoo halkaas ay ku jiraan dad masuuliyiin soomaaliyeed ah aqoon yahano iyo wax garad kuwaas oo ka baxay umada soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan ehaladoodiiba.
waxaan u rajaynaynaa in iaalahaay janadii ka waraabiyo dhamaan tood. umada soomaaliyeedna haka fakaraan amaanka dalkooda iyo masuuliyiintooda.
dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan finland iyagoon u kala harin oo wada jira ayay tacsidan si soomaalinimo ku jirto uwada dirayaaan.
xubnaha halkan ka hadlay waxaa kamid ah kuwo dadkoodii ku jiray dadkaa dhintay oo sigaara u tacsiyaynaya waxaana kamid ah Gudoomiye ku xigeenka dalada Abdiraxmaan maxamuud shiile oo u tacsiyaynaya eheladii uu ka geeriyooday Ali haji Ahmed nuur oo ahaa seedigii iyo Daahir Adan kali oo ahaa inaadeerkiis waxa uu ilaahay uga baryayaa in uu janadii ka waraabiyo eheladana samir iyo imaan siiyo.



Sidoo kale Suldaan Abdirisaaq ilfur kumagac dheer dhalac iyo Hanadad boqor cabdullahi boqor muuse waxaay udirayaan tacsi Suldaan Abdikadir keenadiid oo ahaa nin wayn oo dalka aad looga yaqaan iyo puntland gar ahaanba oo ay leeyihiin ilaahay janadii haka waraabsho geeridaa ku timid ehelkana samir iyo imaan haka siiyo waxana tacsidaan ladirya dhamaan shacabka kunool finland ee kasoo jeeda puntland.
Gudoomiyaha dhalinyarada ee dalada Maxamed Abdi beel daajiye waxa uu tacsi udiryaa marxuum Abdishakuur mire
aadan oo uu leeyahay ilaahay janadii fardowso hakaa waraabsho ehlkii iyo shacabka soomaaliyeed iyo puntland intaba samir iyo iamaan ilaahay ha siiyo Abdishkuur mire oo ahaa aqoon yahan dalku aad u tabayo kaalinkii soomaalinimo iyo waxtar ee uu kulahaa shacabka soomaaliyeed dhexdooda.dhamaan shacabka puntland iyo soomaaliba way utacsiyaynayaan si wada jir ah Abdishakuur mire.
Gudoomiyaha dalada oo dalka dibadiisa ku maqan Abdigani ahmed ducaale waxa uu khadka taleenfanka kaga qayb qaatay tacsiyayntaan dalada dirayso iyo umada soomaaliyeed ee finland daganba oo uu leeyahay ilaahay ha u naxariisto dhamaan dadkii ku waxyeeloobay halkaas intii dhimatay alle ha u naxaiirsto inta dhaawaca ahna ilaahay ha caafiyo.
Gudoomiyaha jaliyada jubaland Deeq osman gurxan waxa uu dirayaa tacsi dhaman dadkii ku waxyeeloobay dhibkaa ka dhacay hoteelka mogdisho intii dhimatay ilaahay ha u naxariisto dhamaan intii dhawacantayna ilaahay haka caafiyo dhawacaas.
Daladu si aan kala harlahayn bay udiraysaa tacsidan sida gudiga gabdhaha iyo gudiga fulinta iyo masuuliyiinta oo dhanba.
Dalada Midawga Ururada Puntland ee Finland