Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe in uu Magaalada Kismaayo ka soo masaafuriyay Wariyihii TV ga qaranka Soomaaliyeed uga soo warami jiray Magaalada kismaayo.
Waaxda Nabada Sugida Maleeshiyada Raaskambooni ayaa intii aysan soo masaafurin Wariyihii Tv ga Qaranka Soomaaliyeed Aadan Kismaayo u gaysatay Jirdil ba,an.
Waxaana intaasi ka dib wariye Adan Kismaayo lagu Amray in uu Magaalada Kismaayo uga baxo mudo 24 saac gudahood.
Wariye Adan Kismaayo markii u soo garay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu saxafada u sheegay in Horjoogeyaasha iyo Maleeshiyada Raaskambooni ay ula dhaqmeen si bini’adannimada ka baxsan waxaana uu intaasi ku daray in Magaalada kismaayo aysan ka jirin dhowrista Xaquuqul insanka.
Wariye Adan Kismaayo ayaa waxaa uu sheegay in usan asagu ahayn wariyihii ugu horeyay ee jirdil logu gaysto Magaalada kismaayo balse ay jireen wariyeyaal asaga ka horeyay oo dhibaatadan u Horjoogeyaasha Maleeshiyada Raaskambooni u gaysatay.
Ugu danbeyn ayaa wariye Adan Kismaayo waxaa uu ka codsaday Dowlada Somalia iyo hay,adaha u dooda xaquuqul insaanka in ay wax ka qabtaan dhibaatoyinka joogtada ah ee lo gaysto Shacabka Magaalada kismaayo oo ay ugu danbaysay jirdilki loo gaystay.