(Dhageyso) Wasaarada Amniga oo sheegtay in ay wax ka barteen Qaraxii Centeral.

0

Afhayeenka Wasaarada Amniga Xukumadda Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in Laamaha Amaanka Dalka ay Cashar ka barteen Weerarkii Qaraxyada ahaa ee ka dhacay Hottelka Centeral ee Muqdisho.

Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa intaa ku daray in Ciidamada Amaanka Soomaaliya ay hada qabaan Foojignaan dheeraad ah islamarkaana ay xili walba diyaar u yihiin u shaqeynta Shacabka iyo ka hortagida Weerarada Al-shabaab.

Weerarkii Hottelka Centeral waxaa sheegtay Al-shabaab waxaana ku dhintay ilaa 25 Ruux oo Mas’uuliyiin iyo Shacab iskugu jira,halka ay ku dhaawacmeen ilaa 50 kale.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka: