Dhageyso: Maxamuud Sayid Aaden "Maamul Jubbaland La Yiraahdo Ma Jiro".

0

Ex Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in aanu jirin maamul la yiraahdo Jubbaland, oo ka dhisan gobalada Jubooyinka iyo Gedo.

Siyaasi Maxamuud Sayid oo u waramay warbaahinta gudaha dalka ayaa waxa uu sheegay in ay ogyihiin oo kaliya maamulka KMG ee Jubba kaasi oo uu tilmaamay in gabaabsi uu yahay waqtigii loo qabtay.

“Jubbaland Maamul la yiraahdo oo deegaankaan ka jiro malahan, waxaa jiray maamul loo bixiyay maamulka KMG ee Jubba oo Raaskambooniyiinta iyo dowladda Federaalka heshiis ku galeen muddo sii horeysay shir ka dhacay Adis Ababa, xilligii loo qabtay waad ogtihiin oo waa gabaabsi, mustaqbalka wey dhismi doontaa dowlad gobaleedka Jubbaland oo dowladda Federaalka xubin ka ah” ayuu yir Maxamuud Sayid Aadan.

Halkan Hoose Ka Dhageyso…