(Dhageyso) Geelle oo bixinaya Hantida lagu waayay Dagaal beeleedyada.

0

Madaxweynaha Jabuuti oo shalay booqasho ku tagay Magaalada Baledweyne ayaa sheegay in uu bixinayo hantidii ku burburtay Dagaal beeleedyada Gobolka ka dhacay.

Mr Geelle ayaa hal arrin ka codsaday Reer Hiiraan taasi oo ah in colaada ay joojiyaan oo Nabadeyn lagu badalo Dagaalada soo noqnoqday ee Gobolka.

Dagaal sababay dhimasho, dhaawac iyo Burbur hantiyadeed ayaa in mudo ah ka soconayay Deegaanada Deefoow iyo Kabxanleey ee Gobolka Hiiraan.

Halkaan ka dhageyso