Ra’iisul wasaarihii hore ee Xukuumadi KMG ahayd ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo wareysi siiyey Warbaahinta magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo weeraradii ugu dambeeyey ee ka dhacay Muqdisho.
Farmaajo ayaa sidoo kale hadlay sababta hortaagan in dowladda Soomaaliya ay ka adkaato kooxda Al-Shabaab oo in muddo ah ay dagaal kula jirtay. “Dowladda kama guuleysan karto Al-Shabaab inta ay ka heleyso taageeradda shacabka” ayuu yiri Farmaajo.