Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sii ogeyd inuusan wanaagsaneyn, ammaanka Hoteelka Central oo Jimcihii lasoo dhaafay uu ka dhacay qarax dad badan dhibaato soo gaarsiiyay.
C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Amniga gudaha wuxuu sheegay ka hor inta uusan dhicin qaraxaasi in Dowladda Soomaaliya ay ogeyd in Hoteelka amnigiisa uusan fiicneyn oo lagu soo wargeliyay, hayeeshe iyadoo taasi ay jirto uu dhacay qaraxaasi.
Wasiir C/risaaq wuxuu sheegay in amniga Hoteelada ay masuul ka yihiin dadka iska leh, balse Dowladda Soomaaliya ay sameyso, hadii Hoteelkaasi uu masuul Dowladeed ku sugan yahay, inay ka warqabaan ciidamada Nabad suggida Soomaaliya oo amniga Hoteelka sheeda kala socda.
Wuxuu kaloo ku waramayaa Wasiirka Amniga gudaha in ilaalada Hoteelka ay yihiin kuwa aanan ka diiwaangashaneyn Xarunta Nabad suggida Degmada, wuxuuna sheegay magacyada u diiwaangashan ciidamada Nabad Suggida Degmada Xamarweyne iyo kuwa ilaalada ka ahaa Hoteelka inaysan is laheyn.
C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa dhanka kale sheegay inay socdaan baaritaan xoogan oo ay wadaan ciidamada Nabad Suggida Soomaaliya, wuxuuna sheegay in lasoo xiray dhamaan dadkii ay xiriirka la laheyd haweenaydii isku qarxisay Hoteelka, sida uu warka u dhigay.
Wasiirka Amniga ayaa soo hadal qaaday hubka sharcidarada ah ee lagu dhex-wato Magaalada Muqdisho wuxuuna sheegay in Wasaarada Amniga gudaha ay qaadeyso tallaabooyin lagu xakamaynaayo hubka Magaalada lagu dhex-wato.
Qaraxii Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay Hoteelka Central ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 28-ruux halka ay ku dhaawacmeen 54-ruux oo Wasiiro, Xildhibaano iyo shacab isugu jiray.
Hoos Ka Dhageyso Codkiisa: