Dhageyso+Sawirro;Dabkii ka kacay isgoyska Black oo lagu guuleystay in la damiyo.

0

Dab xoogan oo maanta ka kacay kaalin shidaal oo ku taalo agagaarka isgoyska Black Sea, kaasi oo aan la ogayn qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dabkaasi. 

Gaadiidka dab damiska Dowlada hoose ee Xamar ayaa ku guulaystay in dabka ay damiyaan,waxaana la ogeyn qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dabkaasi kacay.

Dabaka daminta ayaa qaatay saacado dhowr ah,waxaana dadkii goobta ka agdhawaa iyo ganacsatadii Hantida lahayd dadaal ku bixiyeen sidii ay u baqtin lahaayeen dabka ka kacay kaalinta shidaalka lagu iibiyo eek u taal agagaarka isgoyska Blacksea ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaasha degmooyinka Howl-wadaag iyo Warta Nabadda oo goobta gaaray ayaa sheegay in ganacsato badan ay ku hanti beeleen dabka maanty ka kacay kaalinta shidaal oo ku taalla isgoyska Balack sea degmada Howl-wadaag.

Ganacsatadii dabka ku hanta beelay ayaa ka codsaday Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Ganacsatada Soomaaliyeed in ay u soo gurmadaan, isla markaana guddi loo saaro qiimeynta hantida ka luntay.

Hoos Ka Dhageyso Codkiisa:

Halkaan Ka Daawo sawiradda Dabka:

2015223635602766572895805Goobo_Shidaal_oo_gubtay (1) 2015223635602767017338389Goobo_Shidaal_oo_gubtay (5) 2015223635602767360116649Goobo_Shidaal_oo_gubtay (4) 2015223635602767908722890Goobo_Shidaal_oo_gubtay (3) 2015223635602769029402835Goobo_Shidaal_oo_gubtay (6) 2015223635602769858185483Goobo_Shidaal_oo_gubtay (7)