Dhageyso: Sheekh Ibraahim Guureeye "Ciidamada Dowladda Ay Keentay Dhuusamareeb Waxay Sii Hurinayaan Dagaalada Guriceel".

0

Guddoomiyaha Saddexda Golle ee Maamulka Ahlusunna Sheikh Ibraahin Xasan Guureeye oo maanta Warbaahinta kula hadlay Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliay oo maalmihii la soo dhaafay soo gaarayay Degmada Dhuusomareeb.

Ibraahim Sheikh Xasan ayaa sheegay in Ciidamadaasi ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u soo dirtay Dhuusomareeb ay Caqabad ku noqon karaan Xalka Dagaalka Magaalada Gurceel ee Gobolka Galgaduud.

“Ciidamada Dowladda ku soo daad gureneyso Degmada Dhuusomareeb waa kuwo aan Xalka Gobolka wadin,waxaan ka Cabsi qabaa in ay Dagaalka Galgaduud ay sii huriyaan”ayuu yiri Guureeye.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo garab kamid ah ahlusunna ayaa ku dagaalamay Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud,iyadoona hada uu soconayo Wada hadalo lagu xalinayo Colaadaas.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka: