DEG DEG : Askarta Dowladda Oo Muqdisho Si Bareer ah ugu Laayey Wariye & Dad Rayid ah

0

ASKARTAMOGADISHU, Somalia (Allgalgaduud.com) – Waxaa Ciidamada dowladda fedraalka Soomaaliya ay rasaas oodda kaga qaadeen dad rayid ah xilli ay marayeen bartamaha caasimadda Somalia ee Muqdisho.

Wariye madax bannaan oo la soo hadlay xafiiska aan ku leenahay magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in rasaasta oo ciidanku ay ku fureen laamiga Maka Al-mukarama gaar ahaan jidka Shaqaalaha ay wax ku noqdeen dad badan oo goobta ka agdhawaa.

Shacabka waxyeelladu soo gaadhay waxaa kamid ahaa Allah ha u naxariistee Wariye Maxamed Mire Aadan (Jeceelow)oo kamid ahaa Suxufiyiinta madaxa bannaan ee ka howl gali jiray magaalada Muqdisho.

Wariye Mire ayaa la sheegayaa in dhaawac halisa oo soo gaaray uu u geeriyooday, waxaana ciidanku la sheegay inay u ordayeen Beerta Qaadka ee Muqdisho oo xilligaas abaare Shanta saac ee barqanimo mashquul badan ka jiray laamiga.

Waxaa la xaqiijiyey in ciidamada dilay Wariyaha ee dadka Shacabka ah rasaasta ku furay ka tirsanaayeen xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid.

Qaar kamid ah Askartii falkaasi ku kacday ayaa la sheegay in xabsiga lagu tuuray hase ahaatee illaa iyo hadda cid ka hadashay ma jirto dhibaatada Wariye Mire loo geystay iyo sidoo kale dadkii shacabka ahaa.