Xil Ka Qaadistii Ereg Iyo Koofi oo Xamar Laga Dareemay (Sii Ogow Xogtaan – Maxaa Isku Beegay ?)

0

Ereg_Iyo_Koofi

MOGADISHU, Somalia (Allgalgaduud.com) – Warbaahinta Madaxa-banaan ee Algalgaduud Media, ayaa sida aad uga barateenba idiinsoo gudbinaysa xog qarsoon oo qusaysa sababta iyo sirta ku duugan inuu faraha kasii baxo amaanka Magaalada madaxda dalka Somalia ee Muqdisho.

Tan iyo markii xil ka qaadis lagu sameeyay Wasiirkii hore ee Amniga Khalif Erag iyo Taliyihii Hay’adda Nabad sugida ugu magacawnaa G/Banaadir, ayaa waxaa isa soo taraayay weerarada Qaraxyada iyo dilalka ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Muddo asbuuc ah ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu kharijiyay mas’uuliyiin, Saraakiil ciidan oo ka tirsan DF Somalia, halka dad rayid ahna siyaabo kala duwan loogu toogtay Degmooyinka magaalada Muqdisho.

Dilalka asbuucii tagay ka dhacay Muqdisho ayaa gaaraya ilaa 9 kuwaasi oo u badnaa shaqaale Dowladeed waxa ayna imaanayaan dilalkaasi xili DF ay xil ka qaadis ku sameysay Taliyihiin Nabadsugida G/Banaadir iyo Khaliif Erag oo ahaa wasiirka Amniga.

Sidoo kale, Xil ka qaadista ayaa waxa ay imaaneysaa, iyadoo maalinimadii shalay weerar culus oo dhaawac iyo dhimasho u geystay Mas’uuliyiin ka tirsan DF lagu qaaday Centeral Hotel, kaasi oo uur kutaalo ku noqday Madaxda Qaranka.

Inta badan shacabka Muqdisho ayaa is weydiinaya waxa Qaraxyada iyo dilalka kusoo beegay Xil ka qaadista Labadaasi Mas’uul, waxa ayna soo jeediyeen in DF Somalia ay daweyso bukaanada bogsiinta u baahan.

DF Somalia ayaa loogu baaqay inay sameyso baaritaano rasmi ah oo la xiriira cida fududeysay weeraradii Asbuucaani ka dhacaayay Muqdisho iyo kan shalay lagu qaaday Hoteel Centeral.

By C/risaaq IndhaJaceyl

Daauus1@gmail.com