QORMO XASAASI AH : Warbaahinta Allgalgaduud Media, oo toosh 8-beteri qaad ah u qaadatay cadaynta arrimaha qarsoon ee ka jira dalkeena Somalia gaar ahaan caasimadda Muqdisho, ayaa waxay akhristayaasheeda qiimaha mudan usoo gudbinaysaa Faalo aynu ku falanqeyn doono arimaha loo aayey ee loogu darsaday Xukuumaddii R/wasaare Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
Dr. Saacid, waxa u hiiliyey waqtigiisa nolosha, waayo wuxuu si taako-taako ah ula socday ka hor inta uusan xilkan qaban dhammaan dhaqdhaqaaqyada Siyaasadeed ee ka jiray Somalia tan iyo Sagaashameeyadii waayo waxa uu ku noolaa dalka aynu ood-wadaagga nahay ee Kenya.
Hadaba anagoo ka shidaal qaadanayna xaaladaha sii cakirmaya ee ka jira dalkeena Hooyo ee Somalia, qaasatan arimaha amaanka ee sii xargo-goosanaya, ayaa waxaynu faaqidaad dhab ah ku samayn doonaa qodobadan soo socda oo aynu is leenahay waxay marag ma doonto u yihiin in loo darsaday Dr. Saacid.
- In ay yaraadeen caruurtii ay sida indha la’aanta ah u duufsan jireen Al-Shabaab, maadaama ay Xukuumaddii Dr. Saacid ay abuurtay hawlgalkii hirgalay ee loogu magac daray “Aada Dugsiyada” kaasi oo Malaayiin Caruur Soomaaliyeed ah ay ku heleen waxbarasho bilaash ah (Lacag la’aan ah).
- In Aqoonsiyo caalami ah uu u keenay Dowladda Somalia oo xilligii KMG-nimada uu ka saaray.
- In amaanka Madaxda dalka iyo halka ay Xamar ka degan yihiinba si aan hore loo arag loo adkeeyey.
- In laga kaaftoomay in haddii ay awoodda dalka isku qabtaan Madaxda Somalia aan loogu habar wacanin islamarkaana xalintooda loo aadin dalal shisheeye, sida Kenya, Ethiopia, Uganda, Turki ama Djibouti ama Wakiilada UN-ka.
- In gargaarka deg degga ah ee loo fidiyo dadka tabaalaysan uu si sahlan ku gaaro Tuulooyinka ay baahida-bani’aadanimo ka jirto.
- In lagu guulaystay soo celinta Shirkaddii Diyaaradaha Somalia ee Somali Airlines, iyo adeeggii hawada dalkeena SOMALIA.
La soco qeybta 2aad ee qormadeena (R/wasaare SAACIDOOW Laguu Darsay) oo arimo xasaasi ah ku qarsoon yihiin.