Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goor dhaw gaaray Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Labadaan Madaxweyne ayaa waxaa Garoonka ku soo dhaweeyay Maamulka Gobolka Hiiraan, Saraakiisha ciidamada Soomaaliya iyo Jabuuti iyo Odayaasha Dhaqanka ee Magaaladaasi.
Waa markii ugu horeysay ee Madaxweynaha Jabuuti uu tago Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan oo ay ka howlgalaan ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Jabuuti.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jabuuti ayaa salaam sharaf ka qaatay ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti, waxaana ay sidoo kale mid mid u gacan qaadeen labada Madaxweynaha dadkii ku soo dhaweeyay Garoonka Ugaas Khaliif ee Magaalada Beladweyne.
Ammaanka Magaalada Beladweyne ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana Magaalada lagu daadiyay ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo si weyn u adkeynaya ammaanka Magaaladaasi.