Dowladda Iiran ayaa sheegtay inay Soomaaliya ku garab taagan tahay la dagaalanka argagixisada iyo kooxaha xagjirka ah.
Wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha dibedda ee dalka Iiran Xusseen Amir Abdollahian ayaa sheegay in Tehran ay diyaar u tahay balaarinta dhammaan xiriirada ay la leedahay Soomaaliya iyo inay gacan ku siiso dagaalka ay kula jirto argagixisada.
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee Iiran oo magaalada Tehran kulan kula yeeshay wasiirka boostada iyo isgaarsiinta ee xukuumada Soomaaliya Guuled Xuseen Qaasim oo booqasho ku jooga dalkaas ayaa waxay ka wadahadleen iskaashiga labada dal ee dhinacyada nabadgelyada, deganaanshaha iyo dagaalka lagula jiro argagixisada, sidaana waxaa qortay wakaalada Wararka ee Iiran.
Dowlada Iiran ayaa cambaareeysay qaraxii ismiidaaminta ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen xubno ka tirsan dowlada iyo dad rayid ah.