Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya, Caydiid Cabdullaahi (Ilko-xanaf) ayaa sheegay in werarrada argagixiso ee ka dhaca Muqdisho ay sababayso habacsanaanta hawlaha laamaha amniga iyo sirdoonka dowladda.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay inay liitaan xogta ay dowladdu ka hesho weerarrada soo wajahan iyo baaritaannada ay ku samayso falalka dhaca.
Ilko-xanaf ayaa labada arrimood ee uu dhaliilay ku sheegay tiirarka ugu muhiimsan ee lagu sugi karo nabadgalyada, wuxuuna soo jeediyay in la adkeeyo.
Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya, Caydiid Ilko-xanaf ayaa hadalkan u jeediyay warbaahinta, xilli uu booqanayay bukaannada ku dhaawacmay qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho ee la dhigay isbitaallada magaalada qaarkood.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo laalaabta weerarro qorshaysan oo geysta qasaare nafeed iyo mid hantiyeed.
Halkaan Hoose ka dhageyso: