(Dhageyso) Sheikh Shariif Oo Ka Hadlay Qaraxii Muqdisho, Sheegayna Arimo Badan.

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shiikh Shariif Shiikh Axmed, ayaa sheegay in loo baahan yahay in weerarrada al-Shabaab laga barto cashar.

Shiikh Shariif oo wareysi gaar ah siiyay laanta Af-Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in uu uga tacsiyeynayo xukuumadda Soomaaliya iyo shacabkaba dadkii ku geeriyooday weerarka.

Weerarka ayaa waxa sheegtay al-Shabaab oo uu sheegay Shiikh Shariif in marka laga adkaado ay isku beddelaan kooxo yaryar oo bartilmaameedsada dadka mdaxada ah iyo meelaha dadku ku badan yihiin.

Waxa uu sheegay in ay tahay in cashar laga barto oo aanay nagu soo laaban.

Hoos ka dhageyso codkiisa: