(Dhageyso) M/weynaha Jabuuti oo Casho Sharaf Xalay Madaxtooyada loogu sameeyay.

0

Kulankani casho sharafta ah oo loo sameeyay Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wafdiga la socda ayaa waxaa  ka qeyb galaya,Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud,gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheikh Cismaan iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in Dhawaanla Dhagax dhigi doono Akademiyadii Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed oo Qorshaheeda lagu jiro.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Cismaaciil Cumar Geelle oo Asna ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in Cid walba looga baahan yahay  in ay Kor u qaado Afkooda Hooyo si Jiritaanka Afka Hooyo kor loogu qaado.

Halkaan Hoose ka dhageyso: