(Dhageyso) Madaxweyne Geelle “Maanta Waxaa La Joogaa Heer Aan Leenahay Soomaaliya Wey Sara Joogsatay”

0

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle ayaa sheegay in xilligaan Soomaaliya ay gaartay heer ay sara joogsatay, isaga oo rajo ka muujiyay isbedallo intaan ka badan oo dalka dhaca.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Jabuuti in Soomaaliya xilligaan ay ka baxday KMG, islamarkaana ay ka rajeynayaan in wadada hormarka ay kusii tallaabsato.

“Maanta waxaa la joogaa heer aan leenahay Soomaaliya wey sara joogsan karaysaa, wey joogsatay, KMG-kii wey ka baxday, Dimuqraadiyad ayaa lagu shaqeeyaa, marka howlbadan ayaa idiin taalla” ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle ayaa shalay Booqasho ku yimid magaalada Muqdisho isaga oo xalay casho sharaf loogu sameeyay magaalada Muqdisho.

Halkaan Hoose ka dhageyso.