(Dhageyso) Dilal Ka Dhacay Dagmadda Qoryooleey Ee Shabelaha Hoose.

0

Maamulka Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha hoose, ayaa ka hadlay dilal aan horay loo arag oo ku soo kordhay deegaanada ku xeeran Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Xoghayaha dowlada hoose ee Degmada Qoryooleey Aadan C/Shakuur Dhageey, ayaa sheegay in dadka qaarkii inta la dilo lagu rido jawaano, wuxuuna ka dalbaday maamulka koofur galbeed iyo dowlada Soomaaliya in arintaasi ay wax ka qabtaan.
Dilalka ayuu sheegay inay yihiin kuwo siyaasadeysan oo ku cusub Degmada Qoryooleey iyo deegaanada ku xeeran, isagoo sheegay in aanooyin qabiil ay kasoo bilowdeen dilalka Degmada ka dhacaya.
Xoghaye Dhageey wuxuu sheegay in maalin ka hor duleedka Degmada Qoryooleey lagu dilay qof shacab ah, kadibna meydkiisa jawaan lagu riday.
Labadii maalmood ee lasoo dhaafay Degmada Qoryooleey iyo deegaanada ku xeeran waxaa ka dhacayay dilalka ku saleysan aanooyinka qabiilka.
Hoos Ka Dhageyso Codka: